Madaxweyne Farmaajo oo fariin u diray shacabka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed la wadaagay farriin ku aaddan cudurka COVID-19.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku baaqay in lagu dadaalo taxaddarka iyo feejignaanta, maadaama ka hortagga cudurkan uu yahay xalka ugu habboon.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dul-istaagay duruufaha ku xeeran awoodda dowladnimada, hannaanka nolosha dadka ee ku dhisan maalinlaha iyo heerka ay gaarsiisan yihiin dadaallada socda ee lagaga hortagayo cudurkan safmarka ah.

“Dowlad ahaan waxa aynu nahay dal hadda soo kabanaya dhinac kasta, dhaqaalaha iyo adeegyada caafimaadka ma gaarsiisana heerka aan dadkeenna ugu qaban lahayn waxbadan oo ay ahayd in aan ku wajahno marxaladdan adag, sidaas oo ay tahay waxaan xoogga saareyna ka hortagga cudurkan maadaama ay tahay waddada ugu habboon ee inoo sahlan” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka in ay isu gurmadaan oo ay isgarab siiyaan, gaar ahaan ganacsatada oo masuuliyad adag ay saaran tahay wakhtigan iyada oo loo baahan yahay in ay u naxaan dadkooda dhibaateysan, uguna dhibriyaan sicirka badeecadaha.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa caafimaad deg deg ah u rajeeyey dhammaan bukaannada uu haleelay cudurka COVID-19, Allena waxa uu naxariis u weydiiyey muwaadinkii dalka ugu geeriyooday cudurkan.

PUNTLAND POST