Asaasaha Twitter oo Hal Bilyan ugu deeqay la dagaalanka Covid-19

New York (PP) — Jack Dorsey, asaasaha Twitter, ayaa 28% hantidiisa ugu deeqay ololaha la dagaallanka cudurka Covid-19.

Yabooha Dorsey, oo gaaraya hal bilyan oo doollar, wuxuu qayb ka yahay dadaalka samafaleed oo uu hindisihiisa Start Small Foundation ku salaysan yahay.

Yabooha Jack Dorsey wuxuu gacan ka geysan doonaa la dagaallanka caabuqa Covid-19

“Marka laga adkaado cudurka safmarka ah waxaa xoogga la saari doonaa waxbarashada iyo caafimaadka gabdhaha” ayuu Dorsey yiri.  Asaasaha Twitter ayaa ku talojiray inuu qayb ka mid ah sanadkan ku qaato qaaradda Afrika hase ahaatee dib ayuu uga fiirsanayaa qorshaha cudurka Covid-19 awgiis.

Yabooha uu Dorsey bixiyay baa ka dhigaya isaga qofka bixiyay lacagta ugu badan ilaa hadda si loola dagaallamo caabuqa faraha ba’an ku haya dunida. Jeff Bezos, Bill Gates iyo Micheal Dell wuxuu midkiiba ballanqaaday inuu ku deeqayo boqol milyan oo doollar.

© Puntland Post, 2020