Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa haatan shaacisay in maanta oo keliya 9 qof oo horleh laga helay cudurka Coronavirus.
Wasaaradda ayaa sheegtay in dadka maanta oo Jimce ah laga helay xanuunka ay dhamaantood Ku sugan yihiin magaalada Muqdisho islamarkaana aysan dhowaan wax safar ah gelin.
6 kamid ah dadka cudurka laga helay ayaa iyagu xiriir la sameeyay qof ka mid ah dadkii horay loo xaqiijiyay in COVID-19 haleelay sida Wasaaraddu sheegtay.
Sidoo kale dadka maanta laga helay cudurka waxaa kamid ah laba sarkaal oo u shaqeeya Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada taasoo ka dhigaysa tirda guud ee shaqaalaha Wadaaradda Caafimaadka ee uu saameeyay xanuunku 4 qof.
Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegaysa in hadda tirada guud ee cudurka laga helay gudaha dalka ay gaarayaan 21 ruux.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.