Booliiska Soomaaliya oo COVID-19 dartiis u xiray masaajid ku yaalla magaalada Muqdisho

Ciidanka Booliiska dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Jimce ah xiray qaar kamid ah masaajidda magaalada Muqdisho, si looga feejignaado faafidda cudurka Coronavirus, kadib kiisas laga helay Muqdisho.

Culimaa’udiinka ayaa Booliisku ku amray in ay xiraan masaajidda, halka dadka salaadda soo aadayna lagu wargelinayay in ay iskaga tagaan Masaajidka, si loo yareeyo isu-imaatinada, maadaama kiisas COVID-19 ah laga helay Muqdisho.

Masaajidada qaarkood ayay Jameecada iyo Askarta fulinaysay amrkaas Isku dhaceen,waxaana la xiray badi Masaajidadii maanta ay tageen ciidanka Booliiska dowladda Soomaaliya.

 Sidoo kale, waxaa maanta xirnaa qaar kamid ah xarumaha  ganacsiga ee ku yaalla goobaha muhiimka ah ee Muqdisho, iyadoo ka jirin isu-socodka gaadiidka dadweynaha.

PUNTLAND POST