Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa xalay dib ugu laabtay magaalada dhuusamareeb kadib kadib socdaal deg deg ah oo uu habeen ka hor ku tegay Gaalkacyo.
Qoraal ka soo baxay xafiiska Ex. Madaxweyne Xaaf ayaa lagu sheegay in uu xalay dib ugu laabtay Dhuusamareeb kadib socdaalkiisi Gaalkacyo oo siyaabo kala duwan looga hadlay.
Qoraalka waxaa lagu xusay in socdaalka Xaaf ay jiraan dad siyaabo kala duwan u dhigay balse uu halkaas u tegay arrimo isaga u gaar ah inkastoo aan faahfaahin laga bixin arrimahaas.
Mudane Xaaf ayaa sida la filayo magaalada Dhuusamareeb kaga qeyb geli doona caleema-saarka madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor Qoor
PUNTLAND POST