Muuse Biixi oo digniin u diray madax dhaqameed ka hadlay midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta digniin u diray madaxda dhaqanka reer Somaliland.

Muuse Biixi ayaa dhaqanka Somaliland  ugu baaqay in ay faraha kala baxaan arrimaha siyaasadda, kuna ekaadaan dhaqanka, sidaas haddii ay sameyn waayaana ay u diyaar garoobaan cawaaqib xumada ka dhalata arintaas.

“Madax dhaqameedka waxaanu ka sugaynaa oo aanu ku waaninaynaa inay ku ekaadaan dhaqankii wanaagsanaa ee ay dadka ku ilaalin jireen, hadduu ka baxo suldaanku dhaqankii wanaagsanaa iyo wixii loo xilsaartay oo uu bad kale galo, wixii baddaas kaga soo baxa ha u diyaar garoobo,” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi.

Hadalka Muuse Biixi ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii la soo dhaafay qaar kamid ah madaxda dhaqanka Somaliland ay warbaahinta ka sheegeen in wadahadallada dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland laga qeyb galiyo, sidoo kalana xusay in ay marnaba kala go’i karin Soomaaliya.

Wadahadallada dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland ayaa hakad ku jiray tan iyo markii uu xilka la wareegay Madaxweyne Farmaajo.

PUNTLAND POST