Guddoomiyaha Maxkamadda Derejada Kowaad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xassan Cali Nuur Shuute, oo warbaahinta kula hadlay Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellada Hoose, ayaa halkaasi ka shaaciyay go’aanno ay Maxkamaddu soo rogtay, si loo xakameeyo colaad beeleedda wanlaweyn ka aloosan.
Guddoomiye Shuute, ayaa sheegay in Ciidamada iyo Saraakiisha DANAB ay amar Maxkamadeed u qabaan, in ay Nolol ama geeri ku keenaan qofkii maanta kaddib dhibaateeya muwaadin Soomaaliyeed naftiisa iyo maalkiisa, isagoo xusay in cidii isku daydo in ay difaacdana ay la mid tahay.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in wixii Walanweyn ka dhacay ay ahaayeen wax ka fog Diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed islamarkaana dadkii ka dambeeyay dhibaatadaas ay mari doonaan ciqaabta ay mudanyihiin.
Hadalkaas ayuu jeediyay, kadib kulan degmada Wanlaweyn ku dhexmaray Odayaasha Degaanka iyo Saraakiisha Maxkamadda Ciidamada oo looga arrinsaday Mashaqadii Degmada ka dhacday.
Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka Caddaaladda Koofur galbeed, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Koofur galbeed.
PUNTLAND POST