Qofkii u horreeyey oo Soomaaliya u geeriyooday Covid-19 iyo tiro horleh oo laga helay


Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in qofkii ugu horreeyey uu gudaha dalka ugu dhintay caabuqa Covid-19.

Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar ayaa xaqiijiyey dhimashada qofkaas oo ahaa lab 58 sano jir ah oo ku noolaa magaalada Muqdisho.

Qofka dhintay ayaa shalay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya xaqiijisay in uu ku dhacay caabuqa Covid-19, kaas oo tirada cudurkan uu ku dhacay gudaha Soomaaliya ka dhigayey 8 qof.

Balse Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowsiyo Abikar ayaa goordhaweyd qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ku sheegtay in Afar (4) qof oo horleh laga helay caabuqa Covid-19.

Waxaa tirada dadka uu gudaha Soomaaliya ku dhacay caabuqan haatan ay tahay 12 qof oo mid kamid ah uu u geeriyooday maanta, halka hal (1) qof uu horey uga boqsaday.

PUNTLAND POST