Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay Go’aano Cusub oo ku aadan Waxbarashada sannad dugsiyeedka 2019/2020.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada ayaa waxaa lagu shaaciyay in la joojiyay qaadashada casharadii waxbarashada dugsiyada ee sannad dugsiyeedka 2019/2020 oo ay hadda ka harsan tahay muddo ka yar afar isbuuc;
Sidoo kale Qoraalka Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in Ardayda sannad dugsiyeedka dhamaaday lagu qiimeyn doono heerkii ay daruusta ka marayeen xiligii lagu dhawaaqayay xeritaanka dugsiyada.
Wasaaradda waxbarashada ayaa ku wargelisay ardayda iyo macalimiinta xilliga la qaadayo imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare sanad dugsiyeedka 2019/2020, waqtiga la qaadayo, xilliga la qaadayo, xogta la xiriirta diyaar garowga imtixaanka in dib laga soo sheegi doono.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.