Dowladda Imaaraadka Carabta oo Puntland ugu deeqday Shaybaarka lagu ogaado Coronavirus

Dowladda Imaraadka Carabta, ayaa maanta oo Arbaco ah Puntland soo gaarsiisay agab caafimaad, oo loogu tala-galay xakamaynta cudurka Coronavirus.

Agabkaasi caafimaad oo uu kamid yahay shaybaarka lagu ogaado cudurka COVID-19, ayaa saaka laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Boosaaso, waxaana la wareegay wasiirka Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xassan.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa isna uga mahadceliyay dowladda Imaaraadka agab caafimaad ee ay ugu deeqday Puntland, kaasi oo loo adeegsan doono ka hortagga iyo xakamaynta xanuunka Coronavirus.

Waxaan uga mahadcelinaya Dowladda Imaaraadka gargaarka bani’aadantinimo ee ay nasoo gaarsiisay, oo maanta Boosaaso ka degay, waa agab caafimaad oo loogu talagalay xakameynta iyo ka hortagga Coronavirus.” Ayuu yiri madaxweyne Deni.

Xilligan waxaa dagaal adduunka oo dhan kula jiraa halista Covid-19 oo si xowli ah ku fidaya, waana loo baahanyahay in la iska kaashado Ka hortagga Cudurkaasi, aad baan ugu mahadcelinaya Dowladda Imaaraadka oo agabkan nasoo gaarsiisay xilli aad loogu baahanyahay“ayuu sii raaciyay.

Dhinaca kale, dowladda Imaaraadka Carabta ayaa agab caafimaad oo kan lamid ah saaka ka dejisay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

PUNTLAND POST