Tirada kiisaska Covid-19 ee Soomaaliya oo korortay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in qofkii 8-aad gudaha Soomaaliya laga helay xannnuun Covid-19.

Bayaan kooban oo ka soo baxay Wasaaradda Caafimaad Soomaaliya ayaa lagu sheegay in qof 8-aad ee laga helay caabuqa Covid-19 uu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo lab ah oo degan Muqdisho.

“Waxaa soo kordhay xaaladii 8aad oo xanuunka COVID-19 lagu xaqiijiyey. Waa muwaadin Soomaaliyeed oo lab ah, da’diisuna tahay 58 sano, wuxuuna deegaan ku yahay Muqdisho oo safar kuma imaan” ayaa lagu yiri bayaanka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

Mid kamid ah 8-da qof ee gudaha Soomaaliya laga helay caabuqa Coronavirus ayaa dhawaan ka boqsaday xannuunkaas.

Soomaaliya wali lama xaqiijin qof u dhintay caabuqa Covid-19, oo dunida ku dilay in ka badan 82 kun oo qof.

PUNTLAND POST