Militariga Maraykanka ayaa shaaciyay in ay 2-dii bishaan April duqayn diyaaradeed ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-shabaab.
Qoraal ka soo baxay Taliska Maraykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeynta oo ka dhacday degaanka Bush Madina ee gobolka Baay lagu dilay sarkaalkaas oo magaciisu ahaa Yuusuf Jiis.
Dowladda Maraykanka ayaa ninkaas ku tilmaamay in uu ka mid ahaa aas’aasyaasha kooxda Al-shabaab isla markaana uu mas’uul ka ahaa gumaadka shacabka.
Bayaan hore oo sabtidii kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in weerarka agagaarka tuulada Bush Madina ee gobolka Baay lagu dilay 5 argagixiso, iyadoo aysan wax khasaaro ah kasoo gaarin dadka rayidka ah.
PUNTLAND POST