Booliiska Puntland oo xalay Garoowe ku gubay ilaa 14 Jawaan oo Qaad ah

Taliska Booliiska Puntland, ayaa xalay duleedka magaalada Garoowe ku gubay  ilaa 14 Jawaan oo Qaad ah, kuwaasi oo si sharci-darro ah lagu soo geliyay magaalada, balse ay gacanta ku dhigeen Ciidanka Booliiska.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland Gen Muxiyadiin Axmed Muuse, oo hadal kooban ka jeediyay goobta Jaadkaas lagu gubay, ayaa Ciidanka ku amray in ay dagaal toos ah ku qaadaan dadka caadaystay soo gelinta Qaadka laga mamnuucay Puntland.

Gen Muxiyadiin, ayaa sidoo kale amray in wixii maanta ka bilowda dhammaan la qa-qabto Haweenka Jaadka gada, islamarkaana laga ja-jebiyo  Kabarada Qaadka, si loo dhaqan-geliyo Amarkii dowladdu ku mamnuucday Jaadka ee la xiriiray ka hortaga cudurka Coronavirus.

Sidoo kale, Taliye Muxiyadiin ayaa sheegay in dhammaan gaadiidka soo geliya Qaadka iyo guryaha la geeyo labadaba ay dowladdu la wareegi doonto, haddii mar dambe lagu qabto, isagoo uga digay dadka gaadiidka iyo guryahaas leh in ay ka waantoobaan soo gelinta Qaadka.

Hoos ka daawo Muuqaalka

PUNTLAND POST