Ra’iisul Wasaare Khayre oo wasiiru Dowle u magacaabay Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye u magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.

Degreeto ka soo baxday Xafiiska raiisul wasaaraha Dalka oo ay baahisay Warbaahinta dowladda ayaa lagu magacaabay Dr Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye in uu noqdo wasiiru Dowlaha ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiiru Dowlaha cusub ayaa beddelaya Daahir Cabdi Cabdullaahi oo xilkaasi wasiiru dowlanimo u hayay.

Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa horay u soo noqday Guddoomiyihii Baarlamanka Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed,xilkaasi oo dhowaan loo doortay Amb Cali Siciid Fiqi.

PUNTLAND POST