Isbed-beddelka lama-filaanka ah ee Madaxweyne Deni

Garoowe ( Faallooyinka Puntland Post) — Cadawga kowaad oo uu siyaasi yeelan karo waa isbed-beddel keena in loo arko hoggaamiye u dhaqaaqa hadba dhanka dabayshu u socoto. Markuu Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni xilka la wareegay wuxuu warbaahinta u sheegay in golihii iskaashiga maamul federaaleedyadu sii jiri doono. Golihii warkiisa waxaa u dambaysay markii Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle doorteen inay xiriir dhow la yeeshaan Dowladda Federaalka.

Eedeyntii kowaad oo uu Deni u soo jeediyay Dowladda Federaalka waxay ku saabsanayd magaacibistii Guddoomiyaha Bangiga Dhexe. Ma aha shaqo u taalla Deni inuu kaalin ku yeesho qofka loo magacaabayo Bangiga Dhexe ee Soomaaliya. Deni wuu ogaa in guddoomiyaha wareejinayay xilka uu ka soo jeedo Puntland hayb ahaan. Doodda Deni dhaawac siyaasadeed bay gaarsiisay Puntland, oo u ekaatay maamul sadbursi inuu helo ka hormariya dhisidda hay’adaha dowladda federaalku ka kooban tahay.

Deni wuxuu bishii labaad ee sanadkan ku baaqay inuu shir wadatashi qabanayo. Gunaanadkii shirka kaddib waxaa Cabdi Faarax (Juxaa), oo Wasiirka Arrimmaha Gudaha Dowladda Federaalka mar ahaa, loo xilsaaray soo jeedinta warmurtiyeedka shirka. Maalintii ku xigtay shir u guddoomiyay Madaxweyne Deni waxaa ka soo baxay baaq ka duwan hadalladii kulkululaa oo uu warmurtiyeedkii shirku xambaarsanaa.

Puntland oo ka qatan taageerada beesha caalamku siiso ciidammada dowladda federaalka

Dhowaan waxaa magaalada Qardho lagu soo gabagabeeyay tababbar loo furay ciidammada Puntland. Madaxweyne Deni wuxuu bartiisa Twitter ku soo qoray in Puntland ay iskeed u maalgelisay tababbarka ciidammada. Ma guul baa in Puntland ka qatan tahay taageerada beesha caalamku siiso Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, oo unkiddeedii ay Puntland waqti iyo dadaal gelisay? Miyaysan is go’doomintu muujinaynin in maamulka Deni uusan la jaanqaadi karin siyaasadda Soomaaliya lagaga caawinayo inay dib uga kabato burbur?

Madaxweyne Deni waxaa la gudboon inuusan sii qotodheeraynin go’doonka siyaasadeed oo ay Puntland is gelisay, kaa soo keenay in reer Puntland xaqoodii horumarineed ay ka qatan yihiin heer qaran.

© Puntland Post, 2020