Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Bari ayaa xalay goob fagaare ah ku gubay Xirmooyin Jaad ah oo la doonayay in si sharci-darro ah loo geliyo gudaha magaala Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.
Xirmooyinkaas Jaadka ah oo ay Jawaanno ku soo qariyeen dadkii watay ayaa gacanta lagu dhigay ka hor intaan la gelin gudaha Boosaaso inkastoo aysan Booliiska u suurta-gelin in ay soo qabtaan dadkii watay.
Taliyaha Qaybta Booliska Gobalka Bari G/sare Xussen Cali Maxamuud oo goobtaas hadal kooban ka jeediyay ayaa shegay in si walba oo loo soo qariyo Jaadka ay Ciidamadu soo qaban donaan islamarkaana la gubi doono.
Taliyaha ayaa u mahad celiyay Ciidanka Booliska ee Ku Sugan Kantaroolka Boosaso kuwaas oo qabtay Jaadkaas xilli la doonayay in si qarsoodiya lagu soo geliyo gudaha magaalada.
Sidoo kale wuxuu digniin culus u jeediyay cid kasta oo doonaysa in ay Jaad sharci-darro ah soo geliso Boosaaso si ay u jebiso Amarkii Dowladdu ku mamnuucday Qaadka ee la xiriiray ka hortagga Cudurka Coronavirus.










PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.