London (PP) —Saynisyahannada Biritishka ayaa sameeyay hab goor hore lagu ogaan karo in caabuqa Covid-19 uu ku dhacay qof aysan ka muuqanin calaamadaha cudurka.
Warbixin lagu soo daabacay wargeyska _The Daily Telegraph_ ayaa tibaaxday in habkan baaristu ku salaysan tahay dhiigga, candhuufta ama kaadida. Natiijadu waxay soo baxaysaa ilbiriqsiyo gudahood, sida wargeysku qoray. Laba hab baa hadda la adeegsadaa. Mid waa in qofka laga qaado candhuuf oo muujin karta in cudurku hayo qofka, kan kale waa baaris ku saabsan awoodda jirku kaga hortago cudurrada (antibodies), habkan oo muujin kara haddii qofku ka bogsooday caabuqa Covid-19.
Habka baarista cusubi wuxuu sahlayaa ogaanshaha in qofku u baahan yahay inuu isgo’doomiyo, inuu dadka dhex gali karo ama inuu shaqada dib ugu noqon karo.
Hababka baarista waxaa la isticmaalaa marka qof lagu arko calaamadaha caabuqa, markaas oo laga yaabo inuu dad qaadsiiyay cudurka. Waxaa kale oo jirta in natiijada soo baxda ay ku tilmaanto qof cudurka qaba inuu ladan yahay. Habka baarista cusubi wuu ka duwan yahay hababka hadda la isticmaalo.
© Puntland Post, 2020