Militariga Soomaaliya oo laayay xubno ka tirsan Al-shabaab

Ciidanka Militariga dowladda  Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay howlgal wado furis ah ka sameeyeen degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Howlgalka waxaa hogaaminayay Taliyaha Ururka 41aad Guutada 5aad Qaybta 27aad ee Ciidanka Militariga  Dhamme Cabduqaadir Cali Nuur, waxaana uu sheegay in howgalka laga fuliyay inta u dhexeeysa Magaalooyinka Buulo-Burde iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Taliye Cabduqaadir Cali Nuur oo la hadlay Idaacada Codka Ciidamada Qalabka sida ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa sidii wadadaas looga saari lahaa xubnaha ka tirsan  Al-shabaab ee hallaas ku leh fariisimaha.

Isaga oo sii hadlaayay waxaa uu tilmaamay in howlgalka inta uu socday lagu dilay Afar kamid ah Al-shabaab isla markaana ay badbaadiyeen saddex gaari oo ay lahaayeen dad shacab ah waa sida uu hadalka u dhigay.

PUNTLAND POST