NISA oo u hanjabtay Wariye Haaruun Macruuf

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Soomaaliya (NISA) ayaa u hanjabtay wariyaha caanka ah ee Haaruun Macruuf oo ka tirsan laanta afka Soomaaliga ee idaacadda VOA-da.

Bayaan kooban oo NISA soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayey ku sheegtay in ay tallaabo ka qaadayso Haaruun Macruuf oo ay tilmaantay in uu leeyahay xiriiro khatar ku ah amniga Qaranka.

NISA oo aan xusin waxa ay ku eedeynayso Wariye Haaruun Macruuf, ayaa hay’adaha dowladda ku wargelisay in ay ka feejignaadaan xiriirkiisa.

“NISA waxay talaabada sharciga ah ee ku haboon ku qaadaysaa Harun Macruf, oo leh xiriiro khatar ku ah amniga Qaranka, kuna kacay falal ka baxsan anshaxa warbaahinta. Waxaan hay’adaha dalka la wadaagaynaa iney ka feejignaadaan xiriirkiisa, soona wargaliyaan laamaha amniga Qaranka” ayaa lagu qoraalka NISA.

Wariye Haaruun Marcuuf ayaa soo jeediya barnaamijka todobaadlaha ah ee Galka Baarista ee ka baxa VOA-da, kaas oo lagu soo bandhigo xogo qarsoon.

Wariye Haaruun Macruuf

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Deni ayaa horey loogu eedeeyey in ay si adag u xakamaysay madax bannaanida saxaafadda iyo guud ahaan xuquuqda xorriyadda hadalka.

PUNTLAND POST