ICT, Covid-19 iyo Waxbarashada Puntland

W/Q: Siyaad Cali Yuusuf

Waxaa dhowaanahaan soo baxaya in dad kala duwan oo goobo maamul oo muhiim ah jooga  ay ka fekerayaan habab cusub oo ay shaqooyinkooda ku gutaan maadaama ay jirto cabsi laga qabo cudurka Covid-19  gaar ahaan dalka Soomaaliya.

Qolyaha waxbarashada Puntland ayaa waxaa la soo dersay caqabado ay ka mid yihiin in iskuuladdii iyo goobihii waxbarashada ay xiran yihiin xili xasaasi ah taas oo markaa sababtay in ardaydii ay derbiyada iyo guryaha iska fadhiyaan isla markaasna aysan helin waxbarashadii ay u baahnaayeen ka hor u diyaar garowga  imtixaannada kala duwan ee sanad laha ah.

Waxaa dhowaan Wasaaradda Waxbarashada  Puntland shaacisay in iskuuladdu sii xirnaadaan ugu yaraan ilaa laga gaarayo 15ka bisha Abriil 2020, isla markaasna iskuulada iyo goobaha waxbarashada laga rabo inay  dhamaystiraan waxbarasho dugsiyeedka sanadka. 

Wasaaraddu qoraalkeeda waxay carabka ku dhufatay in goobaha waxbarashdu adeegsadaan sistemyada casriga ah ee ICT iyo online.

Balse Wasaaraddu kama hadlin in sistemyada ay sheegtay in la isticmaalo xiligan ee tiknoolajiyadda  ICT iwm ay hore u diyaarisay ama ugu boorrisay iskuulada  Puntland inay hirgeliyaan hababka cusub ee loo shaqeeyo sida hirgelinta database-yo iyo sistemyo dhinaca maamulka ardayda (student management systems) iyo gudbinta casharrada  si online ah iwm.  Habka waxbarashada lagu gudbiyo online guud ahaan waxaa loo yaqaan e-learning (Electronic Learning) taasna ma aha mid diyaarsan inta aan ogahay.

Arimaha hirgelinta tiknoolajiyaddu maaha inay noqoto mid xili xeero iyo fandhaal kala dhacay laga hadlo ama laysku dayo in la diyaariyo ee waxaa loo baahnaa in mar hore istaraatijiyad midaysan laga yeesho arimaha hirgelinta hababka cusub ee tiknoolajiyadda dhinaca hormarinta waxbrashada iyo gudbinta adeegyada waxbarashao  ee dalka.

Muddo ayaan ku dhex jiray kana shaqeynayey adeegsiga iyo horumarinta dhinaca tiknoolajiyadda dalka Soomaaliya gaar ahaan adeegsiga internetka  ee ganacsiga, dawliga, shaqada iwm.  Intii aan hawlahan ku jiray qolyaha ugu madaxa adag ee dhinaca aqbalka adeegsiga tiknoolajiyadda ICTda gaar ahaan hirgelinta hababka maamulka iyo gudbinta adeegga   waxay ahaayeen qolyaha waxbarashada, dawladda qaybaheeda kala duwan  iyo in badan oo ka mid ah aqoon yahanadda  Puntland.

Akhristow, wax adeeg ah oo aad si online ah u isticmaali karto oo dawladda Puntland samaysay ama goob waxbarasho ma haysaa?

Fahan la’aanta baahsan ee tiknoolajiyadda  ee Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya waa mid laga xumaado. In kastoo goboladda dalka Soomaaliya ay ku kala hormarsan yihiin hirgelinta adeegsiga tiknoolajiyadda gaar ahaanna waxaa la xusi karaa sida tiknolajiyadda looga isticmaalo Somaliland iyo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho inay ka balaaran tahay gobolada kale ee dalka xataa markaa ku darto Puntland.

Isticmaalka tiknoolaji waxaan uga jeedaa, muuqashada adeegsiga tiknoolajiyadda ee bulshadu  si guud ama gaar ahba u adeegsanayso kuna helayso adeegyada assaasiga ah sida ganacsiga, helida adeegga dawliga  iwm.  Tusaale adeegga Dhaweeye waa adeeg muuqda lana oran karo waa adeeg dadku si buuxda u garanayaan una fahan san yihiin ayna  isticmalaan, muddo aan sidaa u fogeynna soo baxay.  

Waan kawada dheregsannahay dhinaca Maaliyadda iyo sida aan u isticmaalno tiknoolajiyad sida Sahal, EVC, E-dahab, Yeel , Mycash iwm.

Waxaa mudan in la xuso in iskuulada Puntland aysan lahayn qalabka kumbuyuutarada ee dhinaca waxbarashada ICTga, sidoo kale iskuulada badan kood malaha boggag online ah oo lagala xiriiro ama laga arko waxqabadkooda iskaba daa adeegyo kale oo dhinaca tiknoolajiyadda ah inay hirgeliyeene.

Hadaba waxaa loo baahan yahay in Wasaaraddaha Waxbarashada ee dalka ay iska kaashadaan sidii ay hormuud ugu noqon lahaayeen in dalka laga hirgeliyo adeegsiga tiknoolajiyadda gaar ahaan iskuulada iyo goobaha kale ee waxbarashada lagana caawiyo iskuulada dhisidda sistemyo hawlaha u fududeeya.

Hay’adaha kale ee dawliga ee dhinaca horumarinta tiknoolajiyadda dalka sida SONIC, Wasaarada Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada iyo weliba shirkaddaha tiknoolajiyadda waxaa laga rabaa inay taageeraan hababka cusub ee loo hirgelin karo adeegsiga tiknoolajiyadda ee goobaha waxbarashada dalka.

Waxaan si gaar ah u soo dhoweynayaa shirkii dhowaan Garoowe lagu qabtay ee lagu daahfurayey mashruuca IFIYE ee lagu sheegay in qalabka kumbuyuutarada iskuulada Puntland la keeni doono lana herglindoono computer labs ku haboon horumarinta aqoonta ICT, Sayniska  iyo Xisaabta ee dalka.

Ugu danbeyn, waxaan ugu baaqayaa cid kasta oo ay khuseyso inay ka faa’iideystaan fursadaan muujisay baahida loo qabo in si rasmi ah loo hirgeliyo tiknoolajiyad waxbadan ka bedesha habka waxbarashada dalka iyo guud ahan horumarinta cilmiga tiknoolajiyadda  cusub ee ICT, taasna waxay ka bilaabataa iskuuladeena oo lagu qalabeeyo qalabka kumbuyuutarada dhalintana si fiican wax loo baro.

W/Q: Siyaad Cali Yuusuf

Garoowe, Puntland, Soomaaliya.

Afeef:- PUNTLAND POST marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale, aragtida qoraalkan waxaa leh qofka ku saxiixan, waxaan kaliya oo dhiirigalinaa isdhaafsiga aragtida.