Puntland oo shaacisay saddex qolo oo aan bandowga habeenkii saamayn doonin

Taliyaha Ciidanka Booliiska dowladda Puntland Sarreeye Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse, oo xalay shir jaraa’id ku qabtay caasimadda Garoowe, ayaa shaaciyay in dhammaan magaalooyinka Puntland uu si rasmiya uga dhaqan-galay, bandowgii ay soo rogtay xukuumadda Puntland.

Bandowga oo ku kooban Habeenkii oo keliya, ayaa soconaya mudda laba todobaad ah laga bilaabo lixda makhribnimo ilaa shanta aroornimo, si looga fogaado faafidda cudurka Coronavirus, maadaama xilliyada habeenkii ah ay badan yihiin isu’-imaatinada dadweynaha.

Gen Muxiyadiin, ayaa u mahadceliyay guud ahaan shacab weynaha ku dhaqan dhammaan gobolada iyo degmooyinka Puntland, kuwaas oo u hoggaansamay Amarka dowladda, islamarkaan si buuxda u dhaqan-geliyay bandowgaas.

 Taliye Muxiyadiin Axmed Muuse, ayaa sheegay in mas’uuliyiinta dowladda iyo weriyaasha oo keliya loo ogol-yahay, in ay socdaan xilliyada Habeenkii ah, si ay kormeer ugu sameeyaan dhaqan-gelinta bandowga saaran magaalooyinka.

Sidoo kale, wuxuu xusay in mudada bandowgaas socdo ay goobaha caafimaadku sii furnaan doonaan, maadaama ay kamid yihiin adeegyada daruuriga ah ee mar kasta loo baahan karo.

Ugu dambeyntii, Gen Muxiyadiin oo ay weheliyaan mas’uuliyiin kale,ayaa xalay  kormeer ku soo sameeyay sida uu xaafadaha kala duwan ee caasimadda Garoowe uga dhaqan-galay bandowga saaran.

©PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar