Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Axmed Karaash oo ku sugan magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa maanta Xerada Xorgoble Qardho wuxuu tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland.
Madaxweyne ku xigeenka waxaa munaasabadda ku weheliyay Wasiirka Amniga Cabdisamad Maxamed Gallan Taliyaha ciidanka Daraawiishta Gen Yaasiin Cumar Dheere iyo xubno ka tirsan guddiga dib u habaynta ciidamada difaaca Puntland.
Sidoo kale waxaa munaasabadda goob-joog ahaa maamulka gobolka Karkaar kan degmada Qardho iyo saraakiisha kala duwan ee ciidamada gobolkaasi Karkaar.
Hoos ka daawo muuqaal dhammaystiran
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.