Madaxweyne Farmaajo oo coronavirus dartiis u cafiyay 148 maxbuus

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cafis u fidiyey 148 maxbuus oo u xukunnaa dambiyo fudud, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada.

Qoraalka Villa Somalia ayaa lagu sheegay in tallaabadan lagu xoojinayo dadaallada ku aaddan ka hortagga faafidda cudurka Coronavirus.

Madaxweynaha ayaa soo saaray xeerka cafinta xukumaneyaashan kaddib warbixin ku saabsan xaaladda maxaabiista dalka oo uu u soo gudbiyey Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Abuukaate Suleymaan Maxamed Maxamuud,” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia.

War-saxaafadeedka madaxtooyada ayaa waxaa kale oo lagu sheegay in la xaqiijiyey in maxaabiista la cafiyey aysan ahayn kuwo ku xukunnaa dambiyo culus.

PUNTLAND POST