In ka badan 40 qof oo ku dhintay dagaal beeleed ka dhacay Jubbada Hoose

Dad badan ayaa ku nafwaayey dagaal beeleed maalmihii u dambeeyey ka dhacay gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalo xoogan ayaa Tallaadadii la soo dhaafay iyo maanta oo Khaamiis ahayd ka dhacay degaanada Fuuma iyo Guuni oo qiyaastii 35KM dhanka galbeed ka xiga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kaas oo u dhaxeeyey maleeshiyo beeleedyo ka soo kala jeeda labo beelood oo halkaas wada-dega.

Dad ku sugan degaanadaas ayaa Puntland Post u sheegay in labadaas maalmood ay dagaaladaas ku dhinteen in ka badan 40 ruux, halka tiro kale oo badana ay ku dhaawacmeen.

Dhaawacyadii dagaaladaas ka dhashay ayaa la kala geeyey degaanka Cabdala Biroole oo Talis ay ku leeyihiin ciidamada AMISOM iyo magaalada Kismaayo.

Dagaalkii maanta ayaa iskiis u istaagay galinkii dambe, mana jirto ilaa iyo hadda cid kala dhexgashay dagaalka labadaas beeleed, inkastoo warar aan la xaqiijin oo aan helnay sheegayaan in Jubbaland galinkii dambe ee maanta halkaas u dirtay ciidamo.

Dagaal beeleedkan oo dhowr jeer soo noqnoqday ayaa salka ku hayaa muran dhul-daaqsimeed.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalkaas dhiiga badan ku daatay.

PUNTLAND POST