
Guddiyada Puntland u qaabilsan Amniga, Wacyigelinta iyo ka hortagga Coronavirus, oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan Booliiska, ayaa xalay Saldhiga dhexe ee Garoowe ku gubay xirmooyinkii ugu badnaa ee Jaad ah, oo si sharci-darro ah loo soo geliyay gudaha caasimadda Garoowe.
Qaadkaas, oo lagu iibinayay goobo qarsoodiya oo ku yaalla magaalada Garoowe, ayaa lagu soo qabtay hawlgal ay ciidanka Booliisku ka sameeyeen xaafadaha kala duwan ee caasimadda, si loo dhaqan-geliyo Amarkii Puntland ku mamnuucday Qaadka.
Xubno ka tirsan Guddiyada Amniga, Wacyigelinta iyo ka hortagga Coronavirus, oo hadalo ka jeediyay goobta lagu gubay Qaadkaas, ayaa u mahadceliyay Laamaha Amniga Gobolka Nugaal, gaar ahaanna Booliiska oo ka hawlgalay sidii loo soo qaban lahaa Qaadka sharci-darrada ku soo galay magaalada.
Dhinaca kale, mas’uuliyiinta ayaa digniin culus hawada u mariyay dadka ku hawllan in ay Qaadka si qarsodiya ku soo geliyaan gudaha Puntland, islamarkaana aan weli u hoggaansamin amarka dowladda.
27-Maarso-2020, Xukuumadda Puntland ayaa si rasmiya degaannadeeda uga mamnuucday Qaadka, waxaana go’aankaas qeyb ka-ahaa dadaallo xukuumaddu ku doonayso in looga hortago khatarta cudurka Coronavirus.



PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.