Soomaaliya oo si kulul uga hadashay duqeyn ay Xuutiyiinta Yemen ka geysteen Sacuudiga

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay duqeyn ay Xuutiyiinta Yemen sabtidii la soo dhaafay ka geysteen magaalooyinka Riyadh iyo Jizan ee dalka Sacuudiga.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimahah Dibada Soomaaliya ayaa si kulul loogu cambaareeyey weeraradaas ay Xuutiyiinta Yemen u geysteen Sacuudiga, waxayna dowladda Soomaaliya tilmaantay in ay u aragto xadgudub qaawan iyo hanjabaad ka dhan ah deganaanshaha gobolka iyo iska-dhega-tirid geedi socodka nabadda.


“Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si kulul u cambaaraynaysaa maleeshiyooyinka Xuutiyiinta ee Yemen ee gantaalada balaastikada ku riday Magaalooyinka Riyadh iyo Jizan ee Boqortooyada aanu walaalaha nahay ee Sacuudi Carabiya gelinkii dambe ee Sabtida oo ku beegnayd 28 Maarso , 2020 , waxa aan u aragnaa xadgudub qaawan iyo hanjabaad ka dhan ah deganaanshaha gobolka iyo iska-dhega-tirid geedi socodka nabadda” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeedka si cad ugu sheegtay in ay Boqortooyada Sacuudiga ku garab taagan tahay ka hortagidda cid waliba oo wiiqaysa amnigeeda qaran.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay caddaynaysaa in ay ku garab taagan tahay Boqortooyada ka hortagidda cid waliba oo wiiqaysa amnigeeda qaran, waxa ayna adkeynaysaa mowqifkeeda adag ee taageeraya tubta Riyadh ee xalinta dhibaatooyinka siyaasadeed ee Yemen” ayaa lagu soo gabagabeeyey war-saxaafadeedka.


PUNTLAND POST