Ra’iisul Wasaare Kheyre oo soo dhoweeyay go’aanka Naadiga Paris ay dalka uga cafiyeen $1.4 Bilyan

Ra’iisul Wasaaraha dowadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa soo dhoweeyay go’aanka ay deeq bixiyeyaasha Naadiga Paris Soomaaliya uga cafiyeen $1.4 Bilyan oo kamid ahayd deyntii lagu lahaa dalka.

Arrinkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo todobaadkii la soo dhaafay hay’adaha dhaqaalaha  caalamiga ah (IFI’s) ay dalka ka cafiyeen $830m, taasoo isugeynta lacagta Soomaaliya laga cafiyay illaa iyo hadda ka dhigeysa 2.25b. halka deynta horay loogu lahaa Soomaaliya waxay ahayd $5.2 Bilyan.

Sidoo kale deeq bixiyayaasha aan xubnaha ka ahayn Naadiga ku bahoobay Paris ayaa iyana ballan qaaday in ay Soomaaliya ka cafin doonaan daytna ay Soomaaliya ku leeyihiin 67%  kamid ah, waxaa kale oo ay deeq bixiyayaashu ballan qaadeen in ay daymaha oo dhan ama intooda badan ay ka cafin doonaan Soomaaliya marka ay Soomaaliya kasoo baxdo shuruudaha u harsan, sidaas waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa dalalkaas uga mahadceliyay sida ay u garab istaageen dadaallada ay dowladda Soomaaliya dib ugu habaynaysay nidaamkeeda maaliyadeed iyo sida ay uga qeyb qaateen xaqiijinta rajada shacabka Soomaaliyeed.

“Waa tallaabo taariikhi ah oo ka turjumeysa soo nooleynta Qaranimadeena, isla markaana ah guul usoo hoyatay qof walba oo Soomaali ah. Waa dadaal miro dhalay oo u baahan in la joogteeyo”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa bogaadiyay dadaalka ay hay’adaha dowladda Soomaaliya heer federaal iyo heer dowlad goboleed ku bixiyeen ka mira dhalinta arrintan oo ahayd sida uu sheegay halbeeggii ugu weynaa ee ay Soomaaliya ku guuleysato 30 kii sano ee la soo dhaafay.

PUNTLAND POST