Ra’iisul Wasaare Kheyre oo baaq u diray ganacsatada

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa caawa ka hadlay dhibaatada caabuqa Corona iyo cudurka ka dhasha ee loo yaqaan Covid19, saameynta uu dalkeenna ku yeelan karo, iyo sida looga gaashaaman karo.

Ugu horreyn Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in cudurkan uu qaar kamid ah dalalka caalamka ugu horumarsan dhaqaalaha, aqoonta, tiknoolajiyadda iyo adeegyada bulshada ee uu caafimaadku ugu horreeyo ku faafay, sababtuna tahay inay yaraysteen xajmiga cudurka iyo deg- degsiiyaha uu ku fidi karo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa shirkadaha Isgaarsiinta ka codsaday inay waqtiga ugu badan siiyaan wacyi gelinta, sidoo kale ganacsatada ayuu ugu baaqay inaan la kordhin sicirka raashinka daruuriga ah, wuxuuna Wasaaradda maaliyadda faray in ganacsatada laga khafiifiyo canshuuraha cuntada daruuriga ah iyo dawooyinka inta dhibkani socdo, bulshadana waxuu ka codsaday inay qaataan talooyinka caafimaad, si looga hortago khatarta ballaan ee COVID19.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliua wuxuu caddeeyay daawada ugu wanaagsan ee illaa iyo hadda la isku raacsan yahay in ay tahay ka hortagga, guusha ama fashilka dadaallada ka hortaggana ay marka ugu horreeysa illaa iyo xad ku xiran yihiin qofka ama shakhsiga iyada oo ay muhiimaddeeda leedahay dhaqanka ummadeed iyo sida ay ugu hogaansamaan qorshayaasha iyo talooyinka madaxdooda iyo howl-wadeennadooda caafimaadka.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ku celiyay in illaa amar dambe xiranaan doonaan Duullimaadyada dibadda iyo gudaha, iskuulada, dugsiyada quraanka iyo jaamacadaha, waxuuna sidoo kale caddeeyay in lagama maarmaan ay tahay in la joojiyo dhammaan xafladaha iyo isu imaatinka ka badan 5 qofood.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray umadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo cudurkan ugu geeriyooday dalka ingiriiska, wuxuu sidoo kale tacsi u diray qoysaska muwaadiniinta Soomaaliyeed ee cudurkan ugu geeriyooday daafaha caalamka, gaar ahaan dalalka Sweden, Ingiriska, Denmark, Norway iyo meelaha kale.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa caddeeyay inay muhiim tahay  in la xoojiyo foojignaanta Maadaama uu cudurkani si xooggan ugu soo badanaayo Geeska Afrika

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa xusay in dowladdu ay ka shaqayn doonto inay hergeliso qorshe lagu kabayo dhaqaalaha dalka ganacsatada iyo deeq bixiyayaashana ay wadahadal kala geleyso sidii xal loogu heli lahaa saamaynta dhaqaale ee dalka ku imaan doona.

PUNTLAND POST