Ra’iisul Wasaare hore ee Soomaaliya oo geeriyooday

AUN: Ra’iisul Wasaare Nuur Cadde

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa ku geeriyooday magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Geerida Ra’iisul Wasaare Nuur Cadde waxaa xaqiijisay dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna u geeriyooday caabuqa Coronavirus oo tobanaan kun oo qof dunida ku dilay.

Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1938, markii uu barbaaray waxa uu ku biiray ciidankii Ilaalinta canshuuraha Somaaliyeed sanadku markuu ahaa 1954, kadibna waxa uu u wareegay ciidanka Booliiska Somaaliyeed oo la aasaasay sanadkii 1965.

Nuur Cadde intii uu ka tirsanaa ciidanka Booliiska Soomaaliyeed waxa uu ka gaaray darajada Gaashaanle Sare.

Nuur Cadde waxabrashadiisa waxa uu ku qaatay wadanka gudahiisa iyo dibadiisa, gaar ahaan Kuliyadda Sharciga ee jaamacadda Umadda, Machadaka Sare ee Boliiska Adduunka (USA Washington DC) iyo Machad Sare oo ku takhasusay sharciyada la xiriira baarista dembiyada, ilaalinta canshuuraha iyo shuruucda caalamiga ah.

2007 ilaa 2009 Nuur Cadde waxa uu noqday Ra’iisul Wasaarihii dowladdi KMG ahayd ee Soomaaliya.

2013 Nuur Cadde ayaa noqday safiirka Soomaaliya ee Roma.

Allaha u naxariistee Nuur Cadde ayaa saaka geeriyooday, isagoo 82 sano jir.

PUNTLAND POST