Dalalka ku midaysan Paris Club oo Soomaaliya ka cafiyay lacag dhan $1.4 bilyan

Dalalka ku midaysan Naadiga loo yaqaan  PARIS CLUB ayaa Soomaaliya ka cafiyay Deyn dhan $1.4 bilyan oo Dollarka Maraykanka ah, sida laga soo xigtay dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa wakaaladda Wararka SONNA ka soo xigatay, in dalalka ku midaysan PARIS CLUB ay Soomaaliya ka cafiyeen lacag dhan $1.4 bilyan oo Dollar, kadib markii ay wada-hadallo khadka Video-ga ku yeesheen Wasiirka iyo wakiilo ka socday dalalkaas.

Run ahaantii aadbaan ugu faraxnay go’aanka kasoo baxay wadamada ku bahoobay Paris Club oo dalkeena looga cafiyey lacag dhan 1.4 Bilyan oo dollar, oo ka mid aheyd deymaha lagu lahaa Soomaaliya, aniga oo ku hadlaya magaca Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed waan uga mahadcelineynaa talaabadaas ay qaadeen Paris Clup, waxaana ka rajeeneynaa in inta dhiman ay naga cafin doonaan” ayay SONNA ka soo xigatay Wasiir Beyle.

Dalalka Jarmalka, Belgium, Denmark, Faransiiska, Talyaaniga, Japan, Netherlands, Norway, Ruushka, Spain, Ingriiska, Mareykanka iyo qaar kale oo ka tirsan Naadiga Paris Club ayaa goob joog ka ahaa, wada-hadal khadka isgaaarsiinta Video-ga ah ku dhexmaray Wasiir Beyle iyo wakiilo ka socday PARIS CLUB, oo ay weheliyeen xubno metelayay dowlado iyo hay’ado caalami ah oo ka shaqeeya arrimaha dhaqaalaha oo ay ka mid tahay hay’adda lacagta aduunka ee IMF.

PUNTLAND POST