Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo sii daysay afar qof oo loo karantiilay COVID-19

Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa go’aamisay in la sii daayo afar ruux oo horay looga shakisanaa inay qabaan Coronavirus, kuwaasoo ku karantiilnaa Isbitaalka AMISOM kaddib markii lagu waayay wax kiis ah oo la xiriirra COVID-19 baaritaano dheeraad ah oo lagu sameeyay.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay, in mid ka mid ah afarta ruux ee karantiilnaa baaritaankii koowaad ee lagu sameeyay laga helay inuu qabo cudurka, balse labo jeer oo isku xigta oo dib baaritaan loogu celiyay laga waayay cudurka Coronavirus

Saddexda kale ayaa iyana labo baaritaan oo lagu sameeyay natiijada ay dhamaantood noqotay in lagu waayo wax kiis ah oo la xariira Coronavirus, sidaas darteednna ay Wasaaraddu amray in la sii daayo.

Afartan ruux oo ku karantiilnaa Isbitaalka AMISOM, ayaa haatan bulshada dib ugu biiray kadib mudda todobaadyo ah oo ay ku jireen xaalad karantiil ah sida lagu sheegay War-saxaafadeedka Wasaaradda.

PUNTLAND POST