Khudbadaha Musharixiinta Guddoonka KGS oo Maanta bilaabanaya

Musharrixiinta u tartamaya xilka Guddoonka Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sida qorshaysan maanta laga dhegaysan doonaa Khudbadaha Waxqabadkooda.

.Xilka guddoomiyaha baarlamaanka cusub ee maamulka Koofur galbeed waxaa u taagan laba Xildhibaan oo kala ah Maxamed Cabdiraxiin Nuur iyo Dr. Cali Saciid Faqi oo ah Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad waxaa u tartamaya Xildhibaanada kala ah Aamina Isaaq Maxamed iyo Maxamed Nuur Maxamed Macalin, halka Guddoomiye ku xigeenka labaad ay u tartamayso oo  kaliya Xildhibaan Shamso Maxamed Yarow.

Doorashada ayaa waxaa la Filayaa  in ay dhacdo Arbacada berriya oo ku beegan 1-da April 2020

PUNTLAND POST