Dad qaba Coronavirus oo laga helay Somaliland

Wasiirka Caafimaadka Somaliland

Dowladda Federaalka iyo Somalilnad ayaa shaaciyey in gudaha Somaliland laga helay labo qof oo qaba cudurka Coronavirus.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdullaahi ayaa shaagay in labo bukaan laga helay caabuqa Coronavirus, kuwaas oo midkood yahay Ajnabi u dhashay dalka China, halka kan kale ka yahay muwaadin sita dhalashada wadanka Ingiriiska.

Labadan qof ayaa Wasaaradka Caafimaadka Somaliland xustay in ay kaaraantiilnaayeel tan iyo markii looga shikiyay xanuunkan oo lagu soo xajiijiyey dibada.

Somaliland waxay tilmaantay in qof ka China ah uu ku sugan yahay Berbera, halka kan muwaadinka ahna uu ku sugan yahay Burco.

Dhanka kale Wasaarada Caafimaadka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iyana xaqiijisay in Somaliland gudaheeda laga helay labo qof oo qaba xanuunka Coronavirus.

Wasaaradda Caafimaadka dowladda Federaalka ayaa war ay soo saaraty ku xustay in labada qof yihiin dad ka yimid wadanka dibadiisa.

Waxay sheegtay Wasaarada Caafimaadka Soonaaliya in midkood labada qof ee cudurka laga helay uu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo wata dhalashada wadanka Ingiriiska, halka qofka kale yahay Ajnabi.

Ilaa iyo hadda shan qof ayaa la xaqiijiyey gudaha Soomaaliya in laga helay caabuqa Coronavirus.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa dhawaan gaariisay Puntland iyo Somaliland qalab caafimaad oo loogu talagay xanuunka Coronavirus.

PUNTLAND POST