Marxuum Gu’jir oo Aas Qaran loogu sameeyay magaalada Garoowe

Alle ha u naxariistee, Guddoomiyihii Gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi Gu’jir, oo xalay u geeriyooday qarax ismiidaamin ah oo lagula eegtay magaalada Garoowe, ayaa maanta oo Isniin ah Aas qaran loogu sameeyay duleedka waqooyi ee caasimadda Garoowe.

Aaska Qaran ee Marxuumka ka qeyb-galay Madaxweynaha  Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawil, Guddoomiye Ku-Xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Puntland Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee Soomaaliya oo uu ka midyahay Madaxweynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole, Madaxweynihii hore ee Puntland Abdiweli Maxamed Cali Gaas, Xubnaha Goleyaasha Dowladda Puntland, Maamulka Degmada, Saraakiisha Laamaha Amniga, Hogaanka Dhaqanka iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Aaska kula kulmay Xubno ka mid ah Qoyskii AHUN Guddoomiye Cabdisalaan Gujir, Kuwaasi oo uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay.

PUNTLAND POST