Madaxweyne Deni oo laalay Canshuurta iibka amrayna hirgelinta Sanduuqa Taakulaynta Coronavirus

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa amray in la hakiyo Canshuurta iibka ee loo yaqaan Sales Tax, inta uu socdo ololaha la tacaalidda cudurka Coronavirus, si aysan saamayn ugu yeelan qiimaha maciishadda.

Shir ay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenku xalay la qaateen guddiga Amniga iyo guddiga qaabilsan ka hortagga Coronavirus, ayaa lagu go’aamiyay in la hakiyo Canshuurta iibka, si aysan saamayn ugu yeelan sicir koror ku yimaada maciishadda.

Shirka ayaa sidoo kale lagu go’aamiyay hirgelinta Sanduuqa Taakulada ka hortagga Coronavirus, kaas oo $100,000 kun ee ugu horreeyay ay ku shubtay xukuumadda Puntland, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay shirka.

Dowladda Puntland ayaa dadweynaha Puntland, ganacsatada iyo hay’adaha caalamiga ah ka dalbatay, in ay ka qeyb-qaataan Sanduuqa Taakulada ka hortagga Coronavirus, si loogu fuliyo ololaha la tacaalidda COVID-19.

PUNTLAND POST