Madaxweynaha Jubaland oo cambaareeyay qaraxii Argagixiso ee lagu dilay guddoomiye Gu’jir

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha naxariistee, guddoomiyihii gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi Gu’jir, oo xalay u geeriyooday qarax lagula eegtay gudaha magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Jubaland, ayaa qoraal uu soo saaray tacsi ugu diray dowladda iyo shacabka Puntland, gaar ahaanna ehelkii iyo qaraabadii  uu ka geeriyooday guddoomiye Cabdisalaan Gu’jir.

Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa si kulul u cambaareeyay falka gurracan ee argagixisadu la beegsatay marxuum Gu’jir, isagoo  ku baaqay in  hal meel looga soo wada jeesto Argagixisada falkaas geysatay.

PUNTLAND POST