Qarax ka dhacay Garowe

Qarax ayaa goor-dhaweyd ka dhacay afaafka hore ee saldhiga bartmaha magaalada Garowe.

Goobjoogayaal ayaa Warbaahinta PUNTLAND POST u sheegay in gaari Kuruukar ah oo marayey afaafka hore ee saldhiga bartamaha Garowe uu qarxay, kadibna qiic iyo uuro ay cirka isku shareertay.

Qaraxa, kadib waxaay inta badan magaalada Garowe laga maqlay rasaas ay ridayeen ciidamada Booliska Puntland, iyadoo la xiray aagii qaraxu ka dhacay.

ILaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhacay qaraxaas oo inta badan jugtiisa laga maqlayey magaalada Gorawe ee caasimada Puntland, sidoo kale wali lama oga cidda lala eegtay.

Faaahfaahin dib kala soco.