Ra’iisul wasaaraha waddanka Ingiriiska Boris Johnson, ayaa qoraal uu soo saaray ku xaqiijiyay in isaga laga helay cudurka Coronavirus.
Johnson ayaa sidoo kale sheegay inuu is-geliyey go’doon iskiis ah, balse uu sii wadi doono inuu hoggaamiyo jawaabta ay dowladda ka bixinayso la tacaalidda cudurkaas COVID-19.
MrJohnson, ayaa sidoo kale tilmaamay in maadaama uu is karantiilay, uu shirarka dowladdiisa iyo kuwa Caalamiga ahba kaga qeyb-geli doono khadka Video-ga
“Hadda, si iskey ah ayaan isku go’doominayaa, balse waxaan sii wadi doonaa jawaabta dowladda ee cudurkan, aniga oo adeegsanaya shirarka lagu qabto video-ga, innaga oo la dagaalameyna fayruskan.”
PUNTLAND POST