
Taliska Booliiska Gobolka Bari ayaa xalay magaalada Boosaaso ku soo bandhigay khamri aad u badan oo laga soo qabtay xaafadaha kala duwan ee Boosaaso.
Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud, oo warbaahinta kula hadlay goobta lagu soo bandhigay khamrigaas, ayaa sheegay in uu ka koobanyahay in ka badan 10,000 oo dhalo, islamarkaana la doonayay in lagu fasahaadiyo shacabka Boosaaso.
G/sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa sheegay in ciidamada Booliiska iyo PMPF oo iskaashanaya, ay khamrigaas ka soo qabteen xaafadaha kala duwan ee Boosaaso, kadib hawlgallo ay ka sameeyeen gudaha magaalada.
Sidoo kale, Taliyaha ayaa xusay in khamrigaas yahay kii ugu badnaa ee abid la soo geliyo magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, balse ay ciidamadu ka hor tageen in bulshada lagu fasahaadiyo.
Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu hanjabaad kulul u diray cid kasta oo ku hawllan in ay Boosaaso soo geliso mukhaadaraadka noocyadiisa kala duwan , gaar ahaanna khamriga iyo xashiishka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.