Militariga Soomaaliya oo sheegay in ay dileen 12 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab

Sarakiisha Ciidanka Militariga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in degaanka daynuunaay oo qiyaastii 18km magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ay ku dileen 12 xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab kadib markii ay soo weerareen ciidanka.

Taliyaha Qeybta 60aad ee ciidanka Militariga  Soomaaliya Sareeya Guuto Maxamed Sheekh Cabdullaahi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Al-shabaab uu khasaaro xoogan lagu gaarsiiyay dagaalkaasi sida uu hadalka u dhigay.

Jeneraal Maxamed Shiikh ayaa tilmaamay in Alshabaab ay ka ka dileen ku dhawaad 12 ka tirsan dagaalamayaasha Alshabaab isaga oo sheegay in ay dhaawacyo soo gaareen tira intaas ka badan.

Shalay ayay aheyd markii degaanka Deynuunaay ee gobolka Baay uu ka dhacay dagaal khasaaro geystay oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo Alshabaab kaas ay guulo ka sheegteen ciidamada Milatariga Soomaaliya.

PUNTLAND POST