Al-shabaab oo amartay in la dilo qofkii ka qeyb gala doorashooyinka Soomaaliya

Malayshiyaadka Al-shabaab oo ka taliya degaanno ka tirsan Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, ayaa Fatwo ka soo saaray arrimaha doorashooyinka heer Federaal oo qorshaysan in Soomaaliya laga qabto 2020/2021-ka.

Bayaan Fatwo ah oo ka soo baxay malayshiyaadka Al-shabaab, ayaa lagu sheegay in ay xaaraan tahay doorashada la doonayo in dalka laga qabto sannadka 2021-ka, islamarkaana waxaa Al-shabaab ku hanjabtay in ay tallaabo adag ka qaadi doonto cid kasta oo ka qeyb-qaadata arrimaha doorashadaas.

Al-shabaab ayaa sidoo kale fatwootay in laga hortago hirgelinta Nidaamka Federaalism-ka dalka Soomaaliya, kaas oo ay ku sheegeen mid dalka Soomaaliya loogu gacan-gelinayo kenya iyo Itoobiya, una horseedaya colaad sokeeye iyo kala qoqob dhuleed.

Bayaanka ka soo baxay Al-shabaab oo ka kooban 14 qodob ayaa dhinaca kale lagu fatwooday in la laayo muhaajiriinta u dhashay waddanka Itoobiya ee ku soo qulqulaya gudaha dalka Soomaaliya, waxaana AL-shabaab amartay in meeshii lagu arko lagu dilay Tahriibayaasha u dhashay Itoobiya.

PUNTLAND POST