UK iyo EU oo Soomaaliya ka bixiyay dayntii Bangiga Horumarinta Afrika ku lahaa

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa shaaciyay in Bankiga horumarinta Afrika uu Soomaaliya ka cafiyay dhammaan deymihii uu ku lahaa, taas oo sida uu sheegay dowladda Soomaaliya dadaal ku bixisay.

Waxa aan aad iyo aad ugu faraxsanahay, isla markaana aan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeynayaa dadaal dheer kadib in Bangiga horumarinta Afika uu cafiyay deyntii Soomaaliya uu kulahaa, sida ka muuqata Warbixinta uu soo saaray” ayuu yiri Beyle

Wasiirka ayaa ku faanay, in wasaaraddiisu ay dadaal xooggan gelisay hagaajinta hannaanka maamulka Maaliyadda iyo dhaqaalaha dalka, taasina keentay in la aamino nidaamka Maaliyadeed ee Soomaaliya, deyntana laga cafiyo.

Warbixinta AFDB waxa ay cadeyneysaa isbadalka muuqda ee aan ka sameynay hagaajinta hanaanka maamulka Maaliyadda iyo dhaqaalaha dalka” ayuu yiri sii raaciyay.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay, in xukuumadda Soomaaliya ay ka go’antahay sii wadista isbedellada dhanka horumarinta Maaliyadda dalka, isagoo u mahadceliyay saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya la shaqeeya.

 “Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxaa naga go’an in aan sii wadno dadaalka isbadal ee horumar ka Maaliyadda Soomaaliya, Waxa aan u mahadcelinayaa saaxibadeena caalamka, si gaar ah UK iyo EU oo garab buuxa nagu siiyay in deyntaan uu naga cafiyo Bangiga horumarinta Afika”.

PUNTLAND POST