Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho

Maanta galinkii dambe waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo geystay dhimasho iyo dhaawac.

Sida la sheegay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa isku qarxiyay meel u dhow baar Bulsho, nawaaxiga taalada Sayidka ee degmada Howlwadaag.

Qaraxa ayaa waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah, waxaana dhaawac soo gaaray markii dambe u geeriyooday 3 qof oo isku qoys ah.

Qaraxa ayaa inta badan jugtiisa laga maqlayey magaalada Muqdisho, waxaana masuuliyadiisa sheegatay kooxda Al-shabaab.

Qaraxan ayaa ku soo aaday, iyadoo xaaladda amniga magaalada Muqdisho wanaagsaneyd muddooyinkii dambe.

PUNTLAND POST