Puntland oo sheegtay in ay ka laabatay amarkii ay masaajidda ku xirtay

Maalin kadib markii xukuumadda Puntland ay amartay in la xiro dhammaan masaaajidda iyo dugsiyada Qur’aanka, si looga fogaado faafidda cudurka Coronavirus, ayay mar kale go’aankaas dib u eegis ku samaysay dowladdu.

Wasiirka Cadaaladda Puntland Cawil Sheikh Xaamud, oo shalay kulan gaar ah la qaatay culimaa’udiinka masaajidda,ayaa sheegay in dowladdu ay khafiifisay go’aankeedii ahaa in la xiro masaajidda, si looga hortago Coronavirus.

Wasiir Xaamud, ayaa sheegay in dowladda iyo culimaa’udiinku ay isu raaceen in masaajiddu sii furnaadaan, balse la xiro musqulaha iyo goobaha lagu weesaysto ee masaajidda, islamarkaana la ilaaliyo nadaafadda, si looga hortago cudurkaas.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay, in masaajidda ku yaalla Puntland ay sii furnaan doonaan, haddii aan kiisas coronavirus ah laga helin gudaha Puntland, balse haddii kiisas cusub la arko dhammaan la xiro doono masaajidda.

PUNTLAND POST