Gaalkacyo: Malayshiya-beeleed xoog ku furtay maxbuus dil ku xukunnaa

Ugu yaraan 4 ruux ayaa ku dhaawacmay iska hor-imaad kooban oo Talaadadii shalay ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Iska hor-imaadka ayaa sida la sheegay  bilowday kadib markii malayshiya-beeleed hubaysan ay jidka u galeen gaari lagu siday maxbuus dil ku xukman oo xabsiga ku xanuunsaday kaasi oo loo waday isbitaal si loo soo daweeyo.

Malayshiyaadka ayaa dhaawac culus gaarsiiyay taliye ku xigeenka xabsiga Gaalkcayo iyo hal askari ah oo ka tirsanaa ilaalada xabsiga waxaana ay xoog ku ka xaysteen maxbuuska oo ay ehelo ahaayeen.

Wararku waxay intaas ku darayaan in maxbuuska uu dhaawac ka soo gaaray rasaastii halkaas ka dhacday sidoo kalena uu jiro qof shacab ah oo xabbad wiifto ah ugu tagtay gurigiisa islamarkaana ku dhaawacmay.

Maxbuuska xoogga lagu furtay ayaa horay maxkamadi dil toogasho  ugu xukuntay kadib markii lagu eedeeyay in uu ku lug-lahaa dil ka dhacay Gaalkacyo.

Amniga magaalada Gaalkacyo ayaa bilihii u dambeeyay sii xumaanayay waxaana halkaasi ka dhacay dilal kala duwan iyo bambaanooyin kuwa gacanta laga tuuro ah oo khasaare gaystay.

PUNTLAND POST