
Qalab Caafimaad oo isugu jira sariiraha bukaanka loogu talo galay iyo agab kale ayaa Hey’adda Tawakal oo ay soo wakiisheen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Germany, waxay ku wareejisay Wasaaradda Caafimaadka dowlada Federaalka Soomaaliya.
Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka ayaa qalabkan kala wareegay Hey’adda Tawakal, waxaana dhankooda ku sii wareejiyeyn maamulka isbitaalka Banaadir, si loogu fuliyo adeegyada caafimaadka
Agaasimaha Waaxda Qalabka iyo Daaweynta Dr Abdulkadir Wehliye ayaa uga mahadceliyay dadkii soo dhiibay qalabkan iyo intii gacanta ka geystay, wuxuuna jaaliyadaha Soomaaliyeed ugu baaqay inay gacan ka geystaan sidii qalab dhameystiran loogu heli lahaa isbitaalada Dalka ee bulshada loogu adeego.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.