Gumeystaha Cagaaran

Abdulhamid Farah Adan

Soomaaliya waxaa haysta dhibaatooyin badan. Waxaana kamida amni xumo, dawlad jilicsan iyo Qaad. Dhibaatada Qaadku waa tan ugu weyn. Labada waxyaabood ee umadda jiritaankeeda salka u ah buu Qaadku cadow ku yahay oo ah maalka iyo maskaxda qofka.

Qaad-waluhu, Soomaaliya wuxuu sanad walba ka qaataa $700 million ugu yaraan,100 kun oo Tan oo maandooriye Qaad ahna waa cunsiiyaa ugu yaraan. Aniga oo aaminsan in Soomaalidu tahay hal qoys oo ku fiday geeska Afrika, waxaa Qaad-ku dhibta ku hayaa waa isirka Soomaaliga.

Soomaalida dibada ku nool waxay sanad walba diraan $1.5 billion. Maalka intaa dhan wuxuu ku biiraa wixii umadu horey u haysatey. Dhaqaaluhu makorayo ee waa sii yaraanaa. Sababtu waa lacagta wadanka soogasha bar ka badan Qaad-walaha baa qaata, iyadoo loo wadajeedo.

“Maxaa Weedha iyo Naasa Adag isku beegay”. Madaxweynihii hore ee Kenya Daniel Arap Moi, sanadkii 2002 wuxuu yiri Kenya iyo Ethiopia ma doonayaan in Soomaaliya dawlad xoog leh ka dhalato.

Hadaba maxaa isku beegay ereyga Arap Moi iyo 15 sano oo dawlada Soomaaliya liciif tahay.

Waa mida kala e labadii dawladood oo Arap Moi sheegay waa kuwa tobanaan ka kun oo Tan oo Qaad maandooriye Soomaaliya u dira.

Dagaal Daroogo (Drug war) sanadku markuu ahaa 1820 Ingiriisku wuxuu China geliyey oo ku beeray daroogada Opium, isaga oo dhaqaalaha kala dagaalamaya, wuxuu kale oo uu ku beerey daroogooyinka Heroen iyo Cocain . Sanadkii 1949 dadka China ee daroogadu dilatey (drug addicted) waxay ahaayeen 70 million oo qof. Nasiib wanaag, madaxweynihii China Mao Zedong muddo sadex sano ah buu China daroogadii kaga suuliyey.

Qaadku hadda si toosa oo nadaamsan buu Soomaaliya ugu socdaa. Iyadoo dadka cuna iyo kuwa aan cunin labadaba waxyeelo ugeysto nafsiyan noloshooda. Kuwa cuna xaga maanka iyo caafimadka buu ka qaldaa, kuwa aan cunina niyad jab buu ku ridaa, xattaa ayka gaabsadaan inay ka hadlaan dhibaatada qaadka.

Boqolaalka million oo doolar oo intaas oo sano Soomaalida laga dhacayey iyo boqolaalka kun oo Tan oo daroogo Qaad ah oo intaa oo sano la cunayey, dhibaatadii ka dhalaneysay oo ay xambaar saneyd, Soomaalidaa qabta oo ay ku maqan tahay. Waana waxa ayla dabandaabeyso oo tiihu ugu dhacay iyo jaha-wareerku. Bal in TIIH jiro, qofna reerkiisa uma ogola in lacagta laga dhaco ama la cunsiiyo qashin isaga oo arkaya haduusan TIIH qabin.

Dawladaha Soomaaliya qaad-walaha waxaa kaso gala tobanaan million oo doolar. Qaad-waluhu lacagta uu helo 3% dawlada ayuu canshuur ahaan u siiyaa, oo la micno ah $100 kii oo uu qaadka ka helo $97 isagaa qaato, halka 3 na dawladdu leedahay.

Sanadkii 1943, shantii qaybood ee Soomaaliyeed ee gacanta gumeysiga ku jirey waxay isu taageen inay isxoreyaan, waana xorobeen. Hadase waxaa haysta gumeyste cagaaran oo intaa oo jeer ka xun kana xanuun badan kii hore. Sida ugu fiican oo isirka Soomaalida gumeystaha cagaaran isaga xoreynkaro, waa madaxda Soomaaliya ee hada joogta ee ka koban shantii qaybod ee soo halgamay, oo wadajir go’aan taariikhi ah xanuun badan (painful decision) qaata,  oo marqura qaadka ka mamnuuca umadda Soomaalida.

Abdulhamid Farah Adan