Dowladda Oo Beenisay in ay Ciidamo dul-gaysay Guriga Sheekh Shariif

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Baraha Bulshada lagu faafiyay warara sheegayay in dowladda Soomaaliya ay Ciidamo ka tirsan Booliska dul-geysay Guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed, hayeeshee arrintaas ayaa waxaa ka hadashay dowladda.

Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in Ciidamo ka tirsan dowladda la du-geeyay Guriga Sheekh Shariif oo ku yaalla agagaarka Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Qoraal uu soo saaray Wasiirka amniga ayuu ku sheegay in Sheekh Shariif uu dowladda ka mudan tahay ixtiraam, wuxuuna sheegay in wararkaas ay faafiyeen dad ujeedkoodu yahay fitno iyo colaad abuur.

Sidoo kale  Wasiirka amniga ayaa waxaa uu dadka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan dadka mas’uuliyiinta ah ugu baaqay inay iska hubiyaan wararka ay bulshada la wadaagayaan ee keeni kara kicin colaad iyo Amni darro.

Ma jiro ciidan dowladeed oo la dul dhigay ama weerar ku ah madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo naga wada mudan ixtiraam.Waxaan caddeynayaa in warkaasi yahay been abuur aan sal iyo raad lahayn oo ay wadaan dad ujeedkoodu yahay fitno iyo colaad abuur.” Ayuu qoraalkiisa ku yiri Wasiirka.

PUNTLAND POST