Axmed Karaash oo booqday Tukaraq oo isku hor-fadhiyaan ciidamada Puntland iyo Somaliland

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta booqday fariisimaha ciidamada Puntland ee ku sugan degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Madaxweyne ku xigeen Puntland waxaa booqashada Tukaraq ku wehelinayey Taliyaha ciidamada daraawiishta Gen. Yaasiin Cumar Dheere, xubno ka mid ah Guddiga dib-u-habeynta ciidamada oo uu ka mid yahay Wasiirkii hore Amniga Puntland Gen. Khaliif Ciise Mudan iyo xildhibaano ka tirsan dowladda Federaalka.

Axmed Karaash, Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa warbixin ka dhageystay, saraakiisha ciidamada difaaca Puntland ee Aaga Tukaraq, kadibna waxaa uu asteeyay xarun lagu tababaro ciidamada daraawiishta Puntland.

Degaanka Tukaraq ee gobolka Sool waxaa isku hor-fadhiya ciidamo ka kala tirsan Puntland iyo Somaliland, kuwaas oo sanadkii 2018 labo jeer dagaal kharaar ku dhexmaray.

8 January, 2018, magaalada Tukaraq oo Kastam iyo fariisin ciidan u ahayd Puntland muddo, waxaa gacanta ku dhigay ciidamo ka tirsan Somaliland, kadib dagaal kooban oo halkaas ka dhacay.

Puntland iyo Somaliland ayaa muddo labaatan sano ka badan isku haya gacan ku haynta gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn, waxaana marar badan ku dhexmaray dagaalo dhiig badani ku daatay.

Booqashada Axmed Karaash ee Tukaraq iyo astaynta xero tababar ciidan, ayaa keeni karta xiisad hor leh.

PUNTLAND POST