
Xukuumadda Puntland ayaa amar ku bixisay, in mudda laba todobaad ah la xiro dhammaan masaajidda ku yaalla gudaha Puntland, si looga hortago faafidda cudurka Coronavirus.
Wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqan-celinta dowladda Puntland Cawil Sheikh Xaamud Maxamed, oo maanta Warbaahinta kula hadlay Garoowe, ayaa amar ku bixiyay in mudda laba todobaad ah la xiro dhammaan masaajidda iyo dugsiyada Qur’aanka ee ku yaalla degaannada Puntland, si looga hortago cudurkaas Coronavirus.
Wasiir Xaamud, ayaa sidoo kale culimaa’udiinka masaajidda iyo macalllimiinta dugsiyada Qur’aanka ku boorriyay, in ay si deg deg ah u dhaqan-geliyaan fulinta amarkaas, waxaana uu ku hanjabay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono ciddii aan u hoggaansamin amarka dowlada.
Go’aankan ayaa ku soo beegmay, maalmo kadib markii Xukuumadda Puntland ay fasaxday dhammaan goobaha Waxbarashada iyo Xafiisyada dowladda, islamarkaana ay amar ku bixisay in la joojiyo kulamada dadweynaha iyo xafladaha Aroosyada, si looga hortago faafidda Coronavirus.
PUNTLAND POST
Cabdiraxmaan Ciise
You must be logged in to post a comment.